Saturday, July 27, 2024

Midowga Afrika oo taageero u muujiyay hakinta bixitaanka ATMIS

Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa taagero u muujiyay codsigii ay Soomaaliya u dirtay Qaramada Midoobay, si hakin farsamo loogu sameeyo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidmada ATMIS muddoo seddex bilood ah.

Midowga Afrika ayaa warxasaxaafadeed ku sheegay inuu garab taaganyahay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay nabad iyo xasilooni ugu soo dabbaasho dhammaan dhulka Soomaaliya, taas oo ay faa’iido ugu jirto degganaanta gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay ballan qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee lagu taagerayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Walaacyada kasoo baxaya bixitaanka ciidmada nabad ilaalinta ayaa isa soo taraya, xilli uu billowday wajigii labaad ee bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyadoo ugu yaraan 3,000 oo askari la qorsheeyay in ay dalka ka baxaan dhammaadka bishii lasoo dhaafay ee September

Wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ayaa Soomaaliya laga saaray in ka badan 3,000 oo askari, waxaana wajiga labaad uu yahay tallaabadii ugu dambeysay ee dhimista ciidamada, taas oo sahlaysa in gebi ahaanba laga saaro ciidamada ATMIS ee ku harsan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here