Saturday, July 27, 2024

Midowga Yurub oo hakiyay lacagihii uu ku bixin jiray cuntada gargaarka Soomaaliya  

Muqdisho (Dawan)- Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa mas’uuliyiin  ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegtay in si ku meel gaar ah loo hakiyay dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jiray cuntada gargaarka ah ee Soomaaliya .

Tillaabadaan ayaa timid kadib markii lagu ogaaday baaritaan ay samesay  Qaramada Midoobay in lacagihii barnaamijkaas loogu tala galay lagu sameeyay musuq-maasuq, xatooyo iyo ku tagri fal.

Af-hayeenka Midowga Yurub, Balazs Ujvari ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo hakinta lacagihii ku bixi jiray cuntada gargaarka ee Soomaaliya si looga hortago macluusha iyo dhibaatada faqriga ka jira Soomaaliya.

Ujvari ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda soo gaarin Midowga Yurub wax saameyn ah oo ku timid dhaqaalaha mashruuca cuntada gargaarka ee Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in Midowga Yurub sii wadi doono hubinta la socoshada barnaamijkaas iyo in aysan dhciin in wax la musuq-maasuqo.

Qarashaadka uu Midowga Yurub bixiyay sannadki hore oo gaaraya 7 milyan oo dollar ayaa ka mid ah dhaqaalaha ay hesho Hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay kaas oo guud ahaan dhan hal bilyan oo dollar  oo loo qorsheeyay in wax looga qabto gargaarka abaarta Soomaaliya

Warbixintan gaarka ah oo ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa mid ka mid ah mas’uuliyiinta Midowga Yurub  oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in gargaarka  dib loo billaabi doono marka ay hay’adda cunnada adduunka ee WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin in la baaro hay’adaha Soomaaliyeed ee la shaqeeya.

Soomaaliya waxaa ka jiray sannadihii lasoo dhaafay abaaro ay sababeen colaadaha, isbeddelka cimilada iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqaalaha adduunka dagaalka ka socda Ukraine.

Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore soo saartay digniintii ugu dambeysay oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macaluul halis ku ah kala bar dadka.

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini aadantinimada, Martin Griffiths, ayaa sannadki hore ugu baaqay beesha caalamka in loo soo gurmado Soomaaliya si looga hortago macaluul ba’an oo keeni karta nafaqo xumo sababta dhimashada carruur badan iyo barakaca kumanaan qof.

Tirokoob ay sameeyeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa muujiyay in ilaa 7.8 milyan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso ilaa 16 milyan ay u baahan yihiin gargaar cunto.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini aadantinimada ayaa sidoo kale sannadkii hore soo saaray warbixin sheegeysa  in 1.5 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay la il daran yihiin nafaqo darro, iyada oo  356,000 oo ka mid ah carruurtaas ay wajahi doonaan dhimasho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here