Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay xasiloonida Geeska Afrika

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa qaabilay wafdi ballaan oo ka socday xafiiska u qaabilsan Midowga Yurub arrimaha siyaasadda iyo amniga oo booqasho shaqo ku jooga Jabuuti.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa kawada hadlay  arrimaha ka dhaxeeya labada dhinac , iyadoo la eegayo isbedellada gobolka iyo kan caalamiga ah ee hadda socda iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Kulanka, waxaa sidoo kale looga hadlay  xoojinta iskaashiga iyo xiriirka milateri ee ka dhexeeya dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay dowladda Jabuuti xoojinta xiriirka iyo iskaashiga  dhinaca amniga ee ay la leedahay  Midowga Yurub.

Wafdiga ka socda Midowga Yurub ayaa ammaanay  xasiloonidda iyo nabadda ka jirta Jabuuti, iyada oo colaado iyo dagaallo ka jiraan  ama ka dhacaan inta badan  gobolka Geeska Afrika

Wafdiga ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalinta ay dowladda Jabuuti ka qaadato dadaallada nabadeynta iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha kusoo noqnoqday Geeska Afrika.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka kala socday dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub .

Jabuuti ayaa kaalin ka qaadatay sidii dalalka Yurub ugala soo bixi lahaayeen muwaadiniintooda dalka Suudaan kadib dagaalkii ka dillaacay dalkaas, waxaana jira dhowr dal oo saldhigyo ciidan ku leh Jabuuti kuwaas oo ay ka mid yihiin  Faransiiska iyo Talyaaniga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here