Saturday, July 27, 2024

Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo billaawday

New York (Dawan)- Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyada oo isha lagu wada hayo sidii madaxda caalamku uga falcelin doonto dhibaatooyinka ka jira dunida sida colaadda, faqriga, isbeddelka cimillada iyo kalsooni darrada laga qabo nidaamka dowliga ah

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay in dunidu maanta wajaheyso caqabado badan oo ay adagtahay in laga hortago.

Guterres aya ka hadlay dhibaatooyinka ka jira caalamka gaar ahaan dagaallada Ukraine, Suudaan, dhibaatada cimillada, cudurada, abaaraha iyo dhibaatada ay ku jiraan dadka Falastiin

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaab dhismeedka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Soomaaliya waxaa sannadkaan uga qeyb gelaya Shirka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamasa Cabdi Barre, waxaana la filaya inuu jeediyo khudbad uu uga hadlayo dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab iyo wixii u qabsoomay xukuumadda Soomaaliya sannadki lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta Qaramada Midoobay wuxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sannadka ahayd ee ay jirtay.

Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sannadkaan halku dhig looga dhigay ” Dib u dhiska kalsoonida iyo xoojinta midnimada caalamka” ayaa looga hadli doona dhwor qoodb oo ay ugu muhiimsanyihiin Horumarka waara, Abuurista fursado looga hortago dhibaatooyinka caalamka, wax ka qabshada isbeddelka cimilada iyo cudurada faafa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here