Monday, May 20, 2024

Mareykanka: Nin dilay in ka badan 20 qof oo la baadi goobayo

Washington (Dawan)- Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay, weerar hubeysan oo ka dhacay gobolka Maine, ee waqooyiga Mareykanka.

Booliska Maine ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in nin hubeysan oo aan la garan heybtiisa in uu si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dad ku sugnaa goobo kala duwan oo ka tirsan magaalada Lewiston, halkaasna uu ku dilay 22 qof, kuna dhaawacay ilaa 60 kale.

Xafiiska duqa Androscoggin, ee magaalada Lewiston, ayaa barta Facebook soo dhigay laba sawir oo lagu tilmaamay ninka falka geystay.

Xafiiska ayaa sheegay in baadi goob loogu jiro sidii loo soo qaban lahaa dambiilaha, waxaana laga codsaday dadka magaalada in ay gacan ka geystaan ​​sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Dalka Mareykanka waxaa had iyo jeer ka dhaca toogashada nuucaan ah, iyada oo ay sannadkii nolosha ku waayaan dad tira badan, waxaana adag in xal laga gaaro maadaama ay fududahay in in qofku helo hub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here