Saturday, July 27, 2024

Mike Pence: Waqtigeyga lama gaarin

Washington (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Mike Pence ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka madaxtinimada Mareykanka, isagoo yiri: “Waqtigeyga lama gaarin”

Mike Pence oo ka hadlayay shirka sanadlaha ah ee Isbaheysiga Yuhuuda ee Jamhuuriga oo ka dhacay Las Vegas, ayaa yiri: “Waxay ii caddaatay in tartankaan uusan ahayn waqtigeyga, fikir iyo wadatashi badan kadib, waxaan go’aansaday inaan joojiyo ololahayga madaxweyne.”

Sida laga soo ogaaday ra’yi ururin la sameeyay, rajada Mike Pence ee doorashada ayaa ah3.8%, waana cabbir aad u hooseya oo aan looga hortegi karin madaxweynihii hore ee Donald Trump,kaas oo u muuqda inuu ku guuleysan karo magacaabista Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada soo socoto, in kasta uu wajaho eedeymo badan.

Mike Pence kuma muujin khudbaddiisa inuu taageero gaar ah u hayo mid ka mid ah musharixiinta Xisbiga.

Taageerayaasha Trump waxay u arkaan Mike Pence inuu yahay “khaa’in” kadib markuu saxiixay guushii madaxtinimada ee Joe Biden 2020.

Siddeedda murashax ee xisbiga Jamhuuriga ah ayaa lagu wadaa inay madasha shirka sanadlaha ah ee Isbaheysiga Yuhuuda ka horjeediyaan khudbadahooda, waxaana ka mid ah murashixiinta Trump iyo ninka laga yaabo inuu ku cariiriyo tartanka gudaha xisbiga ee guddoomiyaha gobolka Florida, Ron DeSantis.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here