Saturday, July 27, 2024

Mourinho oo si lama filaan ah uga tegay naadiga Roma

Roma (Dawan)- Kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday in tababarahoodi reer Portugal, Jose Mourinho, uu ka teagy shaqada kadib markii ay kooxdu la kulantay guul darrooyin is daba joog ah.

“Naadiga Roma waxa uu xaqiijinaya in Jose Mourinho iyo Kaaliyayaashiisi ay kooxda ka tageen” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Naadiga.

Go’aankaan ayaa yimid laba maalin ka dib guuldaradii 3-1 ay kala kulmeen naadiga AC Milan taas ka dhigan in rajadii ay ka qabeen koobka horyaalka iyo usoo bixidda Champions League ay mugdi gasho.

Roma ayaa sidoo kale laga soo ciribtiray koobka Talyaaniga isbuuci hore kadib markii ay Lazio ka badisay.

Mourinho ayaa naadiga Roma la joogay ilaa seddex xilli ciyaareed, iyada oo qandaraaskiisu uu ku egyahay bisha soo socota ee June.

Waxa uu kooxda kula guuleystay xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyay koobka UEFA Conference League, waxa uuna kooxda gaarsiiiyay finalka Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Mourinho ayaa ah tababaraha kaliya ee ku guuleystay Champions League, Europa League iyo UEFA Conference League, isaga oo sidoo kale ku guuleystay koobab kale oo badan.

Qoraal kasoo baxay milkiilayaasha naadiga Roma Dan iyo Ryan Friedkin ayaa lagu yiri, ” Anaga oo ku hadleyna magaca AS Roma, waxaan Jose uga mahadcelineynaa dadaalkiisi iyo shaqadiisi inta uu joogay naadiga”

Kabtankii iyo halyeygii hore ee Roma, Daniele De Rossi ayaa loo magacaabay inuu si kumeel gaar ah usii qabto shaqada tababaranimo ee naadiga, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in naadigu magacaabi doono tababare Antonio Conte xilli ciyaareedka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here