Saturday, July 27, 2024

Garsoorka Turkiga oo xukun ku riday wiilka M/weyne Xasan Sheekh

Istanbul (Dawan)- Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ku heshay dambi ah in uu dilay darawal Mooto oo dalkaas u dhashay, waaxeyna ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed.

Dacwad oogayaasha ayaa codsaday in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

Talaadadii, Maxkamadda Istanbul ayaa soo saaratay xukunkeeda oo ah 27,300 oo lacagta Turkiga ah una dhiganta $900, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda Turkiga.

Xukunka ayaa dhacay iyada uu Maxamed ka maqanyahay Maxkamadda, waxaana lagala laabtay sidoo kale sharciga gaari wadista muddo lix bilood ah.

Maxamed waxaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u dilay muwaadin Turki ah oo watay Mooto kaas oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Gocer.

Yunus Emre Gocer ayaa dhaawac halis ah soo gaaray 30-kii November 2023 isaga oo lix maalin kadib u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka.

Maxamed ayaa beeniyay inuu si ula kac ah ugu dhuftay gaariga uu watay Mootada muwaadinka Turkiga ah, isaga oo sheegay in Mootadu si lama filaan ah u istaagtay kadibna uu ku dhacay gaariga uu watay.

Warbixinta Boliiska, waxaa lagu sheegay in Gocer, oo ah aabbe leh laba carruur ah, in uusan ku xad gudbin shuruucda waddada, sidaas darteedna uu darawalka gaarigu lahaa qaladka dhacay.

Aabaha dhalay Gocer ayaa qorsheynaya inuu racfaan ka qaato go’aanka ay Maxkmaddu soo saartay sida uu sheegay qareenkiisa Tugba Aydin.

Xukunnada xabsiga ayaa mararka qaarkood loo beddelaa ganaax, marka la eego nidaamka garsoorka ee Turkiga.

Geerida Gocer ayaa qabsatay Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa Turkiga taas oo keentay in Madaxweyne Xasan si cad uga hadlo dhacdada shilka, isaga oo yiri, ” Turkiga waa waddan aan walaalo nahay, waxaan ixtiraameynaa shuruucda, cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xadgudbo nidaamka garsoorka dalkaas.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Turkiga waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here