Saturday, July 27, 2024

Cumar Cartan oo garsoori doona ciyaarta Tunisia iyo Namibia

Abidjan (Dawan)-  Garsoore Cumar Cartan ayaa caawa qori doona taariikh cusub marka uu firimiga billaabshada ku dhifto ciyaarta dhax mari doonta labada xul ee Tunisia iyo Namibia oo wada ciyaaraya kulan ka mid ah tartanka koobka Qarmada Afrika.

Cumar ayaa noqon doona Garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay kaas oo dhaxdhaxaadiya ciyaar ka tirsan koobka Qaramada Afrika.

Garsoore Cumar Cartan oo dadaal dheeraad ah sameeyay sannadihi lasoo dhaafay kana qeyb qaatay dhaxdhaxaadinta ciyaaraha kooxaha Afrika iyo kuwa is reeb reebka Qaramada, ayaa ugu dambeyn loo xushay inuu sannadkan ka qeyb noqdo Garsoorayaasha Koobka Qarmada Afrika ee lagu qabanayo dalka Ivory Coast.

Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa sidoo kale Garsoore kasoo noqday tartamo iyo kulamo kala duwan sida CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika, isaga oo loo doortay inuu qabto finaalkii CAF under 23 ee Morocco.

Sida ay sheegtay BBC, Cumar Cartan ayaa ah garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran in uu isticmaalo VAR, wuxuuna ku qabtay habkan tartamo ka dhacay Afrika, isagoo haysta shahaadada aqooneed ee garsoorenimada VAR.

Africa Soccer ayaa qortay in Cumar Cabdulqadir Cartan uu leeyahay khibrad iyo iyo xirfad uu ku dhaxdhaxaadin karo ciyaar heerkeedu sarreyo sida kulanka Tunisia iyo Namibia, waxeyna intaas ku dartay in magacaabistiisu ay ka tarjumayso sida ay uga go’an tahay CAF inay hubiso dhexdhexaadnimo iyo garsoore xirfad leh inta lagu jiro tartanka Qaaradda Afrika.

Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa sannadkii 1995-tii ku dhashay xaafadda Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, isaga oo Waxbarashadiisa Hoose ilaa Jaamacad ku dhameystay Muqdisho.

Ciyraata u dhaxeysa xulalka Tunisia iyo Namibia ayaa ka dhici doonta garoonka Amadou Gon Coulibaly, saacaddu marka ay tahay Geeska Afrika (20:00).

Dalka Ivory Coast ayaa marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika markii labaad kadib 40 sano markii uu marti geliyay markii ugu horeysay 1984.

Tartanka Koobka Afrika ayaa socon doona ilaa 11 bisha soo socota ee February, iyada oo 24-ka dal ee ka qeyb gelaya tartanka 34-aad ee koobka Qaramada loo qeybiyay lix Group.

Kulamada ciyaaraha koobkaan waxaa lagu qaban doonaa 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.

Lixda garoon ee lagu ciyaari doono kulamada ayaa kala ah Alassane Ouattara, Felix Houphouet-Boigny, Al Salam, Amadou Gon Coulibaly, Laurent Boco, iyo Charles Konan Bani.

Waxaa la kordhiyay 40% lacagatii la siin jiray dalka ku guuleysta koobka, wuxuuna heli doona sannadkaan 7 malyan oo dollar halka waddanka gala kaalinta labaad uu heli doono 4 malyan oo dollaar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here