Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Libya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Jabuuti (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Libya u qaabilsan Jabuuti, Cabdimuncim Maxameed Yuunis.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Libya.

Cabduqaadir Kaamil Maxamed ayaa ballan qaaday in xukuumadda Jabuuti ay diyaar u tahay in ay Safiirka u fududeyso howsha loo soo igmaday si uu u guto waajibaadkiisa.

Dhankiisa Safiirka Libya ayaa carrabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono kor u qaadista xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labda dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashiga dhinacyo cusub oo dan u wada ah labada shacab.

Dalka Libya waxaa sannadihii ugu dambeeyay ka jiray dagaalo sokeeye oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka ay ku barakaceen kumanaan kale, welina waxaa ka taagan xaalad adag.

Dadaaloo badan oo ay sameeyeen dowladaha Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah si xal loo gaaro ayaan weli wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana siyaasadda dalkaas ay gacanta u gashay kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.

Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here