Muqdisho (Dawan)- 1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”. Waxaa qoray Weriye, Abuukar Gob-doon
Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada.
Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada.
Shacbiga Soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.
Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka Soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu si geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle Xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystihii Ingiriiska, wuxuuna jab taariikhaysan ku riday Ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.
Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan karin ciidamada Sayidka, isla sanadkaas ayaa Ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo Ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii Daraawiishta.
Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan Barsame, Xaaji Faarax Oomaar, sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii May 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka.
1948dii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaas Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.
12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.






