Islamabad (Dawan)- 11-qof ayaa ku dhintay waqooyiga dalka Pakistan kadib markii qarax lagula beegsaday gaarigi ay saarnaayeen meel u dhaw xuduudda dalka Afghansitaan.
Anwaarul-Haq Kakar, Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Pakistan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maanta oo Axad ah la dilay 11 qof kuwaas oo ka shaqeynaayay mashruuc ay lahaayeen ciidanka.



