Soomaaliya, 21 Febraayo 2026 (Dawan)– Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay shaqaaleysiiso 12,000 oo macallin marka la gaaro dhammaadka sannadka 2026, taas oo qayb ka ah dadaallada dib loogu dhisayo nidaamka waxbarashada ee dalka iyada oo loo marayo maalgelin dowladeed.
Qoraal lagu baahiyay bartiisa baraha bulshada, ayuu Barre ku sheegay in xukuumaddiiu ay hore u qoratay 6,000 oo macallin oo tababaran muddo ka yar laba sano, halka markii hore diiwaanka dowladda ku jireen qiyaastii 900 oo macallin oo keliya.
“Markii aan xafiiska nimid, 900 oo macallin oo keliya ayaa ku jiray Diiwaanka Shaqaalaha Rayidka ah,” ayuu yiri Barre, isaga oo raaciyay hadalkiisa “Waxaa la shaqaaleysiiyay 6,000 oo macallin oo haysta tababar ku filan, tiradaasna waxaan ku dedaalaynaa in aan gaarsiino 12,000 dhammaadka 2026.”





