Jigjiga, DDS – Wareegga labaad ee ololaha talaalka isku dhafka ah ee ka dhanka ah cudurka dabaysha (polio) ayaa si rasmi ah uga bilowday magaalada Jigjiga, iyadoo uu socon doono intii u dhaxaysay 10-ka ilaa 13-ka Juun 2025.
Ololahan oo uu soo diyaariyey Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), kuna fulaya iskaashi ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Itoobiya, ayaa lagu wadaa in lagu talaalo in ka badan 1.4 milyan oo caruur ah oo da'doodu ka yar tahay 5 sano, iyadoo lagu booqanayo guri kasta si loo hubiyo in aan caruurta laga tagin.
Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, Xawo Suleyman, ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in bulshada ay ka faa’iideystaan ololahan, iyadoo tilmaantay in ololuhu uu si rasmi ah uga dhacayo 11-ka gobol iyo 95 degmo oo ay ka mid yihiin lix maamul magaalo.



