Prague(Dawan)- Boliiska caasimadda Czech ee Prague, ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof lagu dilay galabnimadii maanta oo Khamiis ah, toogasho ka dhacday Jaamacadda Charles University oo ku taal bartamaha caasimadda, halka soddon kale uu dhaawac soo gaaray .
Boliiska ayaa intaas raaciyay in la dilay ninkii toogashada geystay.
Sida warbixinta Boliiska lagu sheegay ninka toogashada geystay ayaa ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliiyadda Fanka ee Jaamacadda Charles
Dhanka kale, Warbaahinta dalka Czech ayaa sheegtay in toogashadu ay ka dhacday Kulliyadda dhaxdeeda iyada oo Macallimiinta iyo ardayda lagu amray inay albaabada qolalka xirtaan inta Boliisku soo gaarayo.





