Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya. Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed
Waxaa beryahaan soo xoogeeysanaaya rabitaanka doorasho khasab ah oo qof iyo cod ah oo markaad dusha ka fiiriso wax dalka u wanaagsan ah, markaad sii dhabagashana u muuqdo muddo kororsi iyo xukun boob aan loo meel dayin.
Saddex habeen kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ayuu casha sharaf noo sameeyey anagoo ah kooxdiisii berigaas garbahiisa ahayd oo la dhihi jiray Midowga Musharaxiinta. Waxaa xusid mudan oo inta meesha joogtay ay markhaati ka yihiin in Madaxweynuhu habeenkaa nagu yiri; “ Niman yahow Soomaali been bay isu sheegeeysaa oo dalkaan doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto! Oo Waxaan nasiib leenahay haddii aan doorashada ka soo rarno xalane oo aan hotel jazeera keenno “.
Waxaan isleeyahay Madaxweyne Xasan berigaas ayuu runta u dhowaa oo uu fahamsanaa xaaladda adag oo uu dalku ku jiray iyo inta ay na bidday xukuumaddii uu xilka kala wareegay.
Laba sano iyo bar kadib madaxweynuhu wuxuu helay buugii doorashada Madaxweyne Farmaajo oo uu rabaa in uu bal isaga isku dayo in uu meel marsiiyo. Waxaa xaqiiqo ah in muddo kororsi iyo dastuur ka leexasho ay dalka u horseedayaan buuq siyaasadeed iyo faragelin shisheeye.







