Rome (dawan)- Xafiiska ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ku leedahay Talyaaniga iyo Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 20 qof oo tahriibayaal ah la la’yahay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay Badda Mediterranean-ka, meel u dhow Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Afhayeenka UNHCR, Chiara Cardoletti ayaa sheegtay in doonida ay dadkaas la socdeen ay degtay Axadii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen todoba qof oo lasoo badbaaday.
Sidoo kale, Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen doon ku go’doonsaneyd meel 20 KM u jirta Lampedusa oo ay saarnaayeen 7 qof oo dhammaantood ahaa Suuriyaan ah.
Muuqaalo ay baahiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa muujinayay tahriibayaasha oo saarn doon aad u yar oo gabi ahaanba ay ka buuxsameen biyo, kuwaas oo loo samaynayo gurmad






