Muqdisho (Dawan)- 26-ka June “Curashadii Maandeeq”. Waxaa qoray weriye Abuukar Gob-doon.
26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh, waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.
Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan goballada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga, waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo Xisbiyadii S.N.L IYO USP.
Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).
Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.
12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar
Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.





