Urdun (Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa xaqiijiyay in 3 askari oo Mareykan ah lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay Waqooyi-Bari ee dalka Urdun, una dhow xuduudka Suuriya.
Biden ayaa mas'uuliyadda weerarka dusha uga tuuray kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq, isaga oo ku goodiyay in ay aarsan doonaan xilliga ugu habboon.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri, " Qalbiyada dadka Mareykanka waxaa ka buuxa murugo caawa. 3 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay, qaar badana waa lagu dhaawacay weerar xagga cirka ah oo diyaarad Drone ah ay kusoo qaaday ciidamadeenna ku sugnaa Waqooyi-Bari ee dalka Urdun oo ku dhow xuduudka Suuriya."
Wuxuu intaas ku daray: "Xogta aan helanay ilaa iyo hadda, waxaan ku ogaanay in weerarka ay fuliyeen kooxaha hubeysan ee ay Iiraan taageerto kuwaas oo ka howlgala Suuriya iyo Ciraaq."
Dhanka kale, taliska dhexe ee Mareykanka oo dhacdadaan war kasoo saaray ayaa sheegay dhimashada 3 askari oo Mareykan ah iyo dhaawaca 25 kale.
Shabakadda CNN ee Mareykanka ayaa sheegtay in askarta Mareykanka ah ee la dilay ay ku sugnaayeen saldhigga Tower 22 oo ku yaal xuduudka dalka Urdun iyo Suuriya , waxayna dilkooda ku tilmaamatay in uu ka dhigan yahay inay sii xumaanayso xaaladda Bariga Dhexe.
Weerarkan lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Urdun ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii uu bilaawday dagaalka Israa’iil ay ku hayso Gaza, waana weerarkii ugu horeeyay ee askar Mareykan ah lagu dilo


