Jigjiga, Janaayo 23, 2026 (Dawan)– Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa maanta oo Jimco ah u dabbaaldegtay xuska sannad-guurada 33-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii maamulka, calanka iyo aqoonsiga dastuuriga ah ee deegaanka, oo la aas-aasay sanadkii 1993, kaddib isbeddelkii nidaamka federaalka Itoobiya.
Xafladda oo ka dhacday Madaxtooyada magaalada Jijiga, ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, oo sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay kaddib isbeddelladii siyaasadeed ee Itoobiya sanadkii 2018, ay dowladdiisu mudnaan gaar ah siisay mideynta bulshada, xoojinta isku-xirka gobolka, iyo soo celinta xaqiiqada taariikheed ee deegaanka.
Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in marxaladihii adkaa ee uu soo maray deegaanka ay saldhig u noqdeen horumarka maanta la taaban karo, isagoo tilmaamay in la shaqeeyay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta bulshada, horumarinta hay’adaha, iyo ilaalinta astaamaha siyaasadeed iyo dhaqameed ee shacabka.
Xafladda oo ku astaysnayd hal-ku-dhigga “Halgankii aabayaasheen waa miraha midnimada maanta”, ayaa lagu xusay maalintii 23-ka Janaayo 1993, oo ku beegan aasaaskii Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo helitaankii baarlamaan u gaar ah, kana mid ah nidaamka federaalka Itoobiya.
Hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa xusay in ka hor aasaaska maamulka, bulshada Soomaalida ee Itoobiya aysan haysan matalaad siyaasadeed oo rasmi ah iyo xuquuq dastuur oo la aqoonsan yahay, taasoo ka mid ahayd caqabadihii ugu waaweynaa ee la soo maray.





