Muqdisho (Dawan) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka, ahna hadda Agaasimaha Machadka Saldhig Xuseen Macallin, ayaa sheegay in marka la eego xaaladda amni ee Puntland, kooxda Al-Shabaab ay weli ka awood badan tahay kooxda Daacish, isla markaana ay ku sugantahay dhul ballaaran oo ka bilaabma Puntland ilaa xuduudaha Somaliland.
Xuseen oo wareysi gaar ah siiyay Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media ayaa yiri: “Marka la isku barbar dhigo labada kooxood, weligood iyo mar walba waxaa xooggan Al-Shabaab. Marka Puntland la joogo mar walba Shabaab ayaa xooggan.”
Sida uu sheegay la-taliyuhu, Al-Shabaab waxay leeyihiin waayo-aragnimo dheer oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada tahriibinta iyo isku xirka shabakadaha qarsoon, sidoo kalena tiradoodu way ka badan tahay tan Daacish. Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid ka dhigaysa inay saameyn weyn ku yeeshaan deegaannada ay ka howlgalaan.
Xuseen ayaa intaas ku daray in kooxda Daacish ay inta badan ku tiirsan tahay dagaalyahanno ajnabi ah. “Daacish waa koox markii saddex qaybood loo qeybiyo, laba qaybood ay yihiin ajnabi. Meeshaas ayaa kuu caddeyneysa inaysan lahayn dad raad ku leh gudaha bulshada,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in inta badan ajnabigaas ay dalka soo galeen labadii sano ee ugu dambeysay, isla markaana aysan lahayn shabakad bulsho ama taageero gudaha ah oo la mid ah tan Al-Shabaab.







