Madiina, Sacuudi Carabiya – Waxaa magaalada barakeysan ee Madiina si rasmi ah u gaaray xujeydii ugu horreysay ee sanadkan ka ambabaxday dalka Jabuuti, kuwaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Boqor Maxamed Bin Salmaan.
Xujeydan oo tiradoodu gaarayso 350 qof, oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa ka mid ah qeybta koowaad ee jamaaca xajka sanadkan ee Jabuuti. Waxaa garoonka si diirran ugu soo dhaweeyay guddiga xujeyda Jabuuti iyo ardayda Jabuuti ee wax ka barta magaalada Madiina, kuwaas oo muujiyay martigelin iyo taageero muuqata.
Xujeyda oo qaar kamid ah warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay si nabad ah ku yimaadeen Madiina, ayna heleen soo dhoweyn heer sare ah, islamarkaana la dajiyay goobo si gaar ah loogu talagalay in ay ku nastaan ugana bilaabaan socdaalkooda xajka.
Inta ay joogaan magaalada Madiina, xujeyda Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay booqdaan Masjidka Nabiga NNKH iyo meelo kale oo taariikhi ah oo muhiim u ah diinta Islaamka.






