Tehran (Dawan)- Diyaaradda Helicopter-ka ee uu saarnaa Madaxweynaha Iran ee la sheegay inay ku burburtay buuraha ku yaal waqooyi-galbeed ee caasimadda Iran, waxaa saarnaa mas'uuliyiin sare oo xilal muhiim ah ka haya dowladda Iran.
Mas'uuliyiintan waxaa ugu horeeya Madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi oo xilka qabtay 2021. Waxa uu horay xubin uga soo noqday Golaha Khubarada Hoggaanka 2007, ka dibna waxa uu noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Iran 2014, ka dibna madaxa garsoorka 2019.
Sidoo kale waxaa diyaaradda Helicopter-ka la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Xuseen Amiir , oo taariikh dheer ku leh diblomaasiyadda Iran, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddam sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u qaabilsanaa Arrimaha Khaliijka iyo Bariga Dhexe sannadkii 2010-kii.
Xuseen Amiir ayaa sidoo kale sannadkii 2011-kii soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Carabta iyo Afrika, ka hor inta aan loo magacaabin xilka wasaaradda 2021-kii, markii la doortay madaxweyne Ibraahim Raisi.



