Shangaani, Muqdisho – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani, halkaas oo si rasmi ah uga Bilaabatay diiwaangelinta Codbixiyaasha doorashada qof iyo cod ah ee dalka laga qabanayo.
Dadweynaha oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo waayeel ayaa safaf dhaadheer ku jiray saacado badan iyaga oo sugaya in ay helaan kaarka codbixinta, taas oo u horseedaysa fursad ay codkooda ugu dhiibtaan doorasho qof iyo cod ah.
Xuseen Macalin, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa ugu dambeyn helay kaarkiisa codbixinta kaddib saacado uu ku jiray safka. “Waxaan rajeynayaa in kaarkani uu ii noqdo awood aan codkeyga ku muujiyo, isla markaana uu wax ka beddelo mustaqbalka shacabka aan ka midka ahay,” ayuu yiri.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa la qorsheeyay inay socoto muddo 30 maalmood ah. Sida uu hore u shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ma jiraan wax shuruudo ah oo adag oo lagu xiro dadka isdiiwaangelinaya marka laga reebo in qofku yahay muwaadin Soomaaliyeed.



