Khartoum, 14 December 2025 (Dawan)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si kulul u cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun Qaramada Midoobay ku leedahay dalka Suudaan, halkaas oo lagu dilay lix askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad-ilaalinta.
Weerarka oo dhacay Sabtidii ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga saadka ee ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee magaalada Kadugli, oo ku taalla gobolka Kordofan ee bartamaha Suudaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xoghayaha Guud.
Siddeed askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo dhamaantood kasoo dalka Bangaladesh.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada drone-ka ah ee argagaxa leh ee lagu bartilmaameedsaday saldhigga saadka ee ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Kadugli, Suudaan,” ayuu yiri Guterres.
Waxa uu intaa ku daray in weerarrada lagu qaaday ciidamada Qaramada Midoobay ay noqon karaan dambiyo dagaal marka loo eego sharciga caalamiga ah, isaga oo ku goodiyay in weerarrada noocan ah aan marna la aqbali karin, isla markaana uu jiri doono isla-xisaabtan.
Ciidanka Suudaan ayaa weerarka ku eedeeyay xoogagga RSF kuwaas oo in ka badan laba sano dagaal kula jira ciidamada dowladda. Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca RSF.



