Jigjiga (Dawan)- Lix qof ayaa xalay lagu dilay magaalada Wardheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kuwaas oo ahaa dhallinyaro xer ah oo wax ka baranaysay masaajid ku yaal magaalada.
Rag hubeysan oo aan haybtooda la garanin ilaa iyo hadda ayaa soo weeraray xerta xilligi laga baxay salaaddii Cishaha waxayna ku dhax dileen masaajidki ay wax ka baranyeen sida ay sheegayan wararka la helayo.
Wararka qaar waxay tilmaamayan in la dilay raggaan xilli ay kasoo baxeen salaadda oo ay ku sugnaayeen bannaanka masjidka.
Lixda qof ee la dilay shan ka mid ah waxay kasoo jeedaan hal qoys, waxaana dilkooda lala xiriirinaya aano qabiil.





