Muqdisho 17 December 2025 (Dawan)– Saadaalin ay soo saartay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ayaa muujinaysa in tirada dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay sanadka 2100 gaari doonto illaa 36.4 milyan oo qof.
Saadaashan ayaa Muqdisho ka dhigaysa mid ka mid ah magaalooyinka Afrika ugu dadka badan, iyadoo la filayo inay ka hormarto Addis Ababa oo lagu qiyaasay 35.8 milyan oo qof. Sida saadaasha lagu sheegay, Muqdisho waxa ay ka dad yaraan doonta kaliya caasimadaha dalalka Masar iyo Kenya ee Qaaahira iyo Nairobi, arrintaas oo sare u qaadaysa doorka caasimadda Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka.
Saadaashan oo markii ugu horreysay ay Madasha Dhaqaalaha Adduunka soo saartay sannadkii 2018, ayaa mar kale dib loo soo qaatay loona xoojiyay xog ay daabacday hay’adaha caalamiga ah ee tirakoobka dadka.





