Hargeysa (Dawan ) – Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka imtixaanka fasalka 12 ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kuwaas oo muujinaya in inta badan ardaydu si guul ah u gudbeen. Guud ahaan ardayda imtixaanka gashay waxay ahaayeen 15,978, waxaana ka gudbay 15,647, taasoo ka dhigan heer guul oo dhan 97.9%, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah ee la shaaciyay maanta oo Axad ah.
Natiijooyinka ayaa muujinaya in wiilasha ay ahaayeen 56% ardayda (8,895 arday), halka gabdhuhu ahaayeen 44% (7,083 arday). Dhanka kale, 269 arday (1.7%) ayaa ku dhacay, halka 62 arday (0.4%) aysan soo xaadirin imtixaanka.
Sida ay sheegayso xogta, Maroodi-jeex ayaa kaalinta koowaad ka galay tirada ardayda u fariisatay imtixaanka, oo gaaraysay 7,845 arday. Awdal ayaa asna lahaa 1,879 arday, Togdheer 2,592 arday, iyo Gabiley 1,011 arday.







