Addis Ababa (Dawan)- Waxaa qoray Aadan Faarax, ra’iisul wasaare kuxigeenka Itoobiya.
Sida laga warqabo Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo wadan oo wadaaga xuduud aad u dheer oo ku dhow 1700 km. Intaas waxaa dheer inbadan oo kamid ah shacabka ku dhaqan labada wadan in ay yihiin dad wadaaga isir, dhaqan, iyo diin. Sidaas daraadeed, Itoobiya, maadaama ay Ab iyo Oodba ugu xigto Soomaaliya, waxay aaminsantahay in xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya ay lagamamaarmaan u tahay daganaanshaha iyo horumarka Itoobiya.
Kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya oo gudanaysa mas’uuliyadda akhlaaqeed iyo midda walaaltinimaba ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku taagan taasoo soocelisa amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya. Itoobiya waxay martigalisay qaxooti aad u tirabadan oo kasoo cararay dagaaladii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya biloowgii sanadkii 1991-dii iyadoo ilaa haatan ay qayb badani wali wadanka kusuganyihiin. Dawladda Itoobiya waxay qabatay kulamo badan oo ay isugu keentay kuna heshiisiinaysay hogaamiye-kooxeedyadii gadh-wadeenka ka ahaa kooxihii ku dagaalamayay gudaha Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa xaqiiqa ah in dawladda Itoobiya iyo shacabkeeduba ay dhiigooda u hureen sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa xasilooni iyo kaladambayn.
Waxaa xusuusin mudan in hanaanka dawladeed ee ka dhisan Itoobiya uu yahay mid dawlad-wadaaga ah (federalism) kaasoo qawmiyad walba u saamaxay in ay iskeed isu maamusho. Qowmiyadda Soomaalida oo ah qowmiyadda 3aad ee ugu tiro badan 76-da qawmiyadood ee ku dhaqan Itoobiya, ayaa xuquuqdeeda siyaasadeed, mida dhaqaale iyo tan bulshaba si siman oo caddaaladi ku dheehantahay loo sugay. Wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaaliduna wuu ka kobcay in maalinba uu u gacan haadiyo cid aan danaheeda ka talinaynin oo awr ku kacsanaysa.







