Port-Louis (Dawan) – Ciyaariyahanka Lagdanka Judo ee Jabuuti, Aadan Xuseen Alexandre, ayaa Isniintii ku guuleystay billadda dahabka ee tartanka caalamiga ah ee Port-Louis International Judo Open, kaasoo ka dhacay caasimadda dalka Mauritius ee Port-Louis.
Aadan, oo ku tartamay qaybta ka hooseysa 73kg, ayaa final-ka ka adkaaday ciyaaryahan Mauritian ah kadib dagaal lagdan ah oo adag, taasoo ku xaqiijiyay guushiisa ugu weyn ee xirfaddiisa ciyaareed.
Judo waa isboorti faneed difaac iyo weerar isku dhafan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Japan, Soomaali ahaanna ah lagdanka, waxaana maanta loo aqoonsan yahay mid ka mid ah ciyaaraha Olombikada ugu waaweyn. Tartanka Mauritius ayaa ka mid ah dhacdooyinka lagu qiimeeyo ciyaartoyda caalamka, gaar ahaan kuwa rajada ka leh ka qeybgalka Ciyaaraha Afrika iyo isreeb-reebka Olombikada.





