Addis Ababa (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku kala saxiixday Magaalada Addis Ababa heshiis u ogolaanaya Itoobiya in ay dekad ka hesho xeebaha Somaliland.
Heshiiska ayaa dhabbaha u xaari doona xaqiijinta hammiga Itoobiya ee ku aaddan helitaanka bad iyo dekad, sida ay baahisay Warbaahinta Itoobiya oo soo xiganeysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Warku waxa uu intaas ku daraya in Is-afgaradku sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.
Warbaahintu waxa ay sheegtay in Heshiiska Is-afgaradku uu ku salleysanyahay iskaashi iyo wax is dhaafsi, isaga oo sidoo kale muhiim u ah is-dhexgalka Gobolka Geeska Afrika.Heshiiskaan ayaa Itoobiya u sahlaya in ay kor u qaaddo doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo ammaanka Gobolka, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Dhankiisa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi u ah Somaliland, isaga oo sheegay in Itoobiya ay noqon doonto Dowladdii ugu horeysay ee aqoonsata madax bannaanidda Somaliland.
Muuse ayaa Warbaahinta ka hor sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka codsaday in ay ogolaadaan isticmaalka Baddooda, iyaguna ay weydiisteen in Itoobiya ay noqoto dalkii ugu horeeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax bannan.




