Addis Ababa (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax u magacaabay madaxa cusub ee xafiiska isku xirka xarunta dhismaha dimoqraadiyada oo ka dhigan darajada Ra'iisul Wasaare ku xigeenka laga bilaabo 01 April 2024.
Aadan Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee Itoobiya ka noqda ra'iisul wasaare ku xigeen.
Shaqooyinka uu sida gaarka ugu xilsaaran yahay Aadan Faarax ayaa noqon doona kormeerida waxqabadka iyo madax-bannaanida hay’adaha dimoqraadiga ah ee Itoobiya sida Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya.



