Addis Ababa (Dawan)- Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu bishaan booqasho ku tago dalka Jabuuti , si ay labada dal uga wada hadlaan qorshaha ay Jabuuti ku dooneyso inay Itoobiya ku qanciso adeegsiga dekedda Tadjoura.
Sidaas waxaa TV-ga Aljazeera ee laga leeyahay Qatar u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.
Wasiirka ayaa yiri; " Itoobiya ma diidin qorshaha aan soo bandhignay, waxaana sugeyna booqashada Abiy Axmed ee bisha October"



