Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo hor-tagay Baarlamaanka dalkiisa si uu uga jawaabo su'aalo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyaya ayaa meesha ka saaray walaaca laga qabo xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib heshiiska Badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in uusan u malaynayn in Dowladda Soomaaliya ay rabto inay dagaal la gasho Itoobiya, laakiin wuxuu ka digay in ay jirto awood seddexaad oo rabta in ay colaad ka huriso Gobolka, iyada oo ka faa'iideysaneysa xiisadda jirta.
“Dadka Itoobiya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan dhiig, Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa u dhintay nabadda Soomaaliya. Ma jiro dal ku bixiyay nabadda Sooamaliya inta ay Itoobiya ku bixisay oo kale, sababtuna waxay tahay in nabadda Soomaaliya ay tahay nabadda Itoobiya,” ayuu yiri, Abiy Axmed.
Saaxiibtinimada labada dal ayuu ku tilmaamay mid aad u adag, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya aysan rabin in wax dhibaato ah u geysto xiriirka Saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa eed dusha ugu taaray awood seddexaad iyo warbaahinta kala duwan isaga oo sheegay in ay doonaayan in ay colaad dhax dhigaan Soomaaliya iyo Itoobiya.



