Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 24-kii May 2025 fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida uu ku sheegay taliska qoraal uu soo saaray 27 May 2025, weerarkan ayaa ka dhacay meel 40 mayl waqooyi-galbeed magaalada Kismaayo u jirta, AFRICOM ma aysan faahfaahin qasaaraha weerarka uu u geystay Al-Shabaab.“Weerarka cirka ayaa ka dhacay meel ku dhow 40 mayl waqooyi-galbeed magaalada Kismaayo, Soomaaliya.” Ayuu yiri Taliska AFRICOM




