Bariire (Dawan) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyay duqeymo isdaba joog ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose intii u dhaxeysay 1-da ilaa 8-da August, 2025.
Bayaanka uu soo saaray taliska Isniintii ayaa lagu sheegay in duqeymaha lagu qaaday deegaanka Bariire. “Duqeymuhu waxay taageerayeen hawlgal dhulka ah oo ay hoggaaminayeen ciidamo saaxiib ah oo beegsaday argagixisada aaggaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.


