Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa u ambabaxay dalka Shiinaha si uu uga qaybgalo madasha iskaashiga Shiinaha iyo Africa oo lagu wado inay Beijingka billaabato 4 bishan September.
"Casuumaad uu ka helay Madaxweyne Xi Jinping, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa gelinkii dambe ee maanta u ambabaxay dalka Shiinaha si uu uga qaybgalo shir madaxeedka 9-aad ee FOCAC" sidaas waxaa bartiisa X kusoo qoray wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Isaias uu la kulmi doono Madaxweyne Xi Jinping iyo Madaxda kale ee ka socda dowladaha qaaradda Afrika ee ka qeyb galaya shirka, si uu ugala hadlo danaha laba geesoodka ah






