Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Prof: Afyare Cabdi Cilmi, Agaasimhii hore ee Machadka Cilmi Baarista ee Heritage
Waxaan arkay qabyo-qoraal isku-karinaya dhammaan nidaam-doorashooyinka waaweyn ee dunida ka jira sida Nidaamka Horreeyaa Guuleysta (First Past Post), Nidaamka Metelaadda Isku-Dheeli-tiran ee Liiska Xiran (Closed-List Proportional Representation) iyo Nidaamka Liiska Furan ee Matalaadda Isku-Dheellitiran (Open-List Proportional representation).
Waxaa la isku-qasbayaa nidaamyo asal ahaan iyo mabda’ahaan kala duwan. Waxaa hal sharci la iskugu keenay dhowr hawlood oo kala duwan.
Haddiiba uu jiro rabitaan ah in doorashooyin la galo ah, Baarlamaanka waxaa la gudboon inay xukuumadda ku amraan inay hirgeliso sharciga doorashooyinka ee dalku leeyahay.






