Muqdisho (Dawan)- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kaalin, ayaa maanta oo Talaado ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo la filayo in uu kulan la qaato dhiggiisa Somaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” .
Labada Agaasime ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan danaha labada dal, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, iyada dowladda Turkiga ay ka mid tahay dowladaha ka taageera Soomaaliya dhinacyo muhiim ah oo ay ugu horeyso arrmaha ammaanka.
Dhowaan waxaa Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho soo gaaray Markabkab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo qeyb ka ah dhaqan gelinta heshiiskii ay labada dal ku kala saxiixdeen ee ku saabsanaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday horraantii bishii February heshiis dhanka difaaca ah oo ay dowladda Turkidu ku ilaalineyso badda Soomaaliya muddo tobon sano ah.






