Agaasimhii Madaxtooyada ee xilka ka tagay Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in sababta uu xilka uga tagay ay tahay in uu doonayo u gacan-bannaanaanshaha arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ka soo jeedo.
Qoraal af ingiriis ku qoran oo uu barta X soo dhigay ayuu ku sheegay in uu doonayo inuu waqti u helo howlaha Koonfur Galbeed, isaga oo maldahay hankiisa ku aaddan hanashada xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka.
“Waxaan gar-waaqsaday muhiimmada in aan wakhti badan geliyo ka shaqaynta danaha Dawlad Goboleedka KGS iyo shacabkeeda oo aan qabo in ay u baahan tahay ‘Hoggaan’ aragti leh, aamin ah, aqoona leh oo ku hagi kara KGS in ay noqoto mid u horseed u ah maamulada kale dhanka barwaaqada iyo hurumarka” ayuu yiri.






