Qaahira (Dawan)- Imaamka weyn ee hoggaamiya Jaamacadda Al-Azhar, Dr Axmed Al-Dayib, ayaa sheegay in Jaamacaddu diyaar u tahay in ay kordhiso Deeqa Waxbarasho ee la siiyo ardayda dalka Jabuuti iyo Macallimiinta loo diro si ay uga qeyb qaataan kor u qaadista Waxbarashada dalkaas.
Imaamka ayaa ballan qaaday in Al-Azhar kor u qaadi doonto kaalmaha waxbarasho ee la siiyo guud ahaan Africa gaar haana dalka Jabuuti, kadib markii uu kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Masar u qaabilsan Jabuuti, Khaalid Al-shaadali.
"Al-Azhar waxey sannadkii siisa Jabuuti Deeq Waxbarasho oo gaareysaa ilaa 15 laakin hadda waa la kordhinaya Deeqdaas Waxbarasho, si loo siyaadiyo fursadaha ardayda Jabuuti ay ka heli karaan Jaamcadda Al-Azhar" ayuu yiri Sheekhul Azhar.
Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in la kordhin doono Macallimminta ay Azhar u dirto Jabuuti si ay uga qeyb qaataan baridda diinta iyo culuumta islaamka.
Danjiraha Masar ee Jabuuti ayaa uga mahadceliyay Sheekhul Azhar kordhinta Deeqaha Waxbarasho ee la siiyo Jabuuti, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha waxbarashada iyo dhaqanka.




