Soomaaliya, 4 Oktoobar 2025 – Weerar qarax ku billaawday ayaa galabta Alshabaab la beegsadeen xarunta NISA ee Gobolka Banaadir, ee loo yaqaan Godka Jilicow.
Telefishinka Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in weerarka uu dhacay abaaro 4:40 galabnimo, kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isticmaashay gaari lagu ekaysiiyay mid ciidan si ay gudaha ugu soo galaan.Telefishinka ayaa sheegay in dhowr ka mid ah dadka weerarka soo qaday la toogtay, uuna weli socdaa howlagalka.
"Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay telefishinka dowladda.
Ilo madax-bannaan ma aysan xaqiijin weli khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jiraan tiro rasmi ah oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca.





