Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siisi ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, si loo taageero geeddi-socodka horumarka, loogana mira dhaliyo danaha labada dowladood ee gobolka, sida uu sheegay af-hayeenka madaxtooyada Masar, Axmed Fahmi.
Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadiisi afaraad ku tegay sanad gudihiis dalkaas, waxaana la filaya inuu halkaas uu ka dhaco kulan seddex geesood ah oo looga hadlayo xiisadda Geeska afrika iyo sidii looga qaadan lahaa siyaasad mideysa seddexda dal ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.






