Qaahira (Dawan)- Cabdifataax Al-Siisii ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynaha ee dalka Masar kadib munaasabad caleema saar ah oo maanta ka dhacday magaalada cusub ee la qorsheynayo in ay noqoto caasimadda maamulka ee Masar.
Al-Siisii oo khudbad u jeediyay xubnaha Baarlamaanka ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada lagu xaqiijinayo dhismaha dowlad casri ah oo dimoquraadi ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu sii xoojin doono xiriirka caalamiga ah ee ku dhisan dheellitiranaan iyo ka mira dhalinta xasiloonida, nabadda iyo horumarka.
Cabdifataax Al-Siisii ayaa markii saddexaad ku guuleystay madaxtinimada dalka Masar kadib markii uu helay 89.6% codadkii la dhiibtay doorashii dhacday bishii December ee lasoo dhaafay.




