Moqokori (Dawan) – Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay gacan-ku-heynta degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, taasoo ah magaalo istaraatiiji ah oo xarunna u ahayd ciidamada deegaanka ee Macawisleyda.
Kooxda ayaa kula wareegtay degmada kadib saaka weerarka ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah, ooo ay ku qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Macawisleyda iyo dowladda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxyada, inkasta oo aan weli la helin tiro rasmi ah. Waxaa sidoo kale xigay weerar dhulka ah oo si toos ah loogu qaaday gudaha magaalada.
Kooxda Al-Shabaab ayaa si iskeed ah u sheegtay inay si buuxda ula wareegtay magaalada Moqokori, iyadoo baraha ay maamusho ay ku baahiyeen sawirro muujinaya dagaallamyaashooda oo ku sugan gudaha magaalada.





