Kuwait (Dawan)- Amiirka Kuwait, Amiir Mishcal Al-Axmed Al-Jaber Al-Sabaax, ayaa soo dhisay xukuumaddiisi labaad inta uu dalka xukumaayay oo ka yar hal sano.
Tillaabada uu kusoo dhisay xukuumadda cusub ayaa daba socota go'aankii uu Jimcihii lasoo dhaafay ku kal diray Golaha Shacabka .
Wakaalladda Wararka Kuwait ayaa sheegtay in wareegto kasoo baxday Amiirka dalka lagu magacaabay xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Axmed Cabdullaahi Al-Axmed , taas oo ka kooban 13 wasiir.
Marka loo eego magacyada xukuumadda cusub waxaa ka mid ah , Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax oo laag dhigay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka koowaad, Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Cali Cabdullaahi ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Maalintii Jimacaha ayay ahayd, markii Amiirka Kuwait uu khudbad ka jeediyay taleefishinka, isaga oo sheegay inuu amray in la kala diro Golaha Shacbiga (Baarlamaanka) lana laalo qodobo ka mid ah Dastuurka muddo aan ka badneyn 4 sano, iyada oo muddadaas dib u eegis lagu sameynayo hannaanka dimoqraadiyadda ee dalka.





