Kuwait (Dawan)- Dowladda Kawiat ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday Amiirkii dalkaas, Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber oo ahaa 86 jir.
Geerida Amiirka ayaa timid kadib maalmo uu xanuunsanaa.
Amiirka Kuwait ayaa galay Isbitaal bishii November si baaritaano iyo daaweynta lagama maarmaanka ah loogu sameeyo, waxeyna warbaahinta dalkaas soo warineysay maalmihii lasoo dhaafay inuu soo roonaaday.
Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber ayaa loo magacaabay dhaxal sugaha Kuwait 2006, wuxuuna Amiirka dalkaas noqday 2020 kadib dhimashadii walaalkiis Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Jaaber.
Amiirka hadda geeriyooday waxaa dhaxli doona walaalkiis oo ay isku aabo yihiin kaas oo lagu magacaabo Sheekh Meshaal Al-Axmed Al-Jaaber oo 83 jir ah.
Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber ayaa dhashay sannadkii 1937-kii, wuxuuna ahaa wiilkii lixaad ee uu dhalay Sheekh Axmed Al-Jaber Al-Sabah, oo ahaa hoggaamiyihii dalka Kuwait 1921-kii ilaa uu ka geeriyooday 1950-kii.


