Nairobi (Dawan)- Laamaha ammaanka ee dowladda Kenya iyo guddiga ganacsatada Suuqa Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta ammaanka Suuqa iyo Xaafadda Soomaalida ee Islii, sida ay sheegtay VOA.Arrintan ayaa imanaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayey suurta galnimada in weeraro argagixiso oo lala xiriirinayo dagaalka Bariga Dhexe in ay ka dhici karaan dalka Kenya.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale dhowaan muwaadiniinta Maraykanka ee Kenya u jeedisay digniinno la xiriira inaysan tagin goobaha ay dadku ku badan yihiin.Cumar Ibaarhim Xuseen oo ah xog-hayaha ganacsatada Suuqa Islii, ayaa VOA u sheegay in ay hay'adaha amaanka ee Kenya in ay kala shireen sidii loo xoojin iskaashiga maadaama ay jirto casbi laga qabo falal argagixiso.
Laamaha amniga ayaa ka codsaday ganacsatada Islii in ay kusoo wargeliyaan, wixii amni xumo keeni kara oo ay arkaan ama shaki geliya si looga hortgao dhibaatooyyinka ka dhalan kara.





