Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Baydhabo xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleekda Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Villa Somalia wax war ah oo safarka madaxweynaha ku saabsan kama soo bixin weli.
Safarkii uu Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ku tegay Baydhabo iyo waan-waan kale oo laga dhex waday dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaan laga gaarin wax natiijo ah.
Sababo is biirsaday oo qabiil, doorasho iyo dano kale la xiriira ayaa loo aaneynayaa inay xiisadda labada dhinac salka ku heyso, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la arkayay mas'uuliyiin warbaahinta isku marinaya hadallo ay ka muuqato xanaf.




