Madagascar (Dawan)- Andry Rajoelina oo 49 jir ah ayaa Sabtidii shalay loo caleemo saaray inuu noqdo Madaxweynaha Madagaskar markii labaad, ka dib markii mar kale loo doortay madaxweynaha dalkaas.
Mucaaradka dalkaas ayaa qaadacay doorashada waxeyna ku dhawaaqeen inaysan aqoonsanayn natiijada doorashada.Sida ay Warbaahinta Caalamiga ah sheegtay waxaa xafladda caleema saarka ee ka dhacday garoonka ugu weyn caasimada Antananarivo isugu yimid dad lagu qiyaasay ilaa 50,000 oo qof.
Madaxweyne Andry Rajoelina ayaa lagu dhaariyay dadka hortooda waxaana loo sameeyay dhoolatus mileteri iyo dabaal deg lagu weyneynaayo guushiisa.
Khudbaddiisa caleema saarka ayuu ku sheegay in maanta, Madagascar uu ka socdo horumar ballaan oo dhinacayda kala duwan ah, sida caafimaadka, dhanka dhismaha iyo horumarinta ganacsiga inkasta uu xusay in 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhaceen dhibaatooyin ay sababeen isbeddelka cimilada.
Wuxuu ballan qaaday in uu dhisi doono qaran xoog badan oo horumarsan, isaga oo si gooni ah u xusay dadka taagta daran .
Mas'uuliyiin ka socday dalalka Afrika ayaa ka soo qeyb galay caleema saarka, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Comoros, Gazali Assoumani, oo haya xilka madaxtinimo ee Midowga Afrika, iyo João Lourenço, madaxweynaha dowladda Angola, ahna guddoomiyaha hadda ee bulshada horumarinta Koonfurta Afrika.
11 milyan oo qof ayaa xaq u lahaa in ay codbixiyaan doorashadii dalkaas ka dhacday 16-kii November, inkasta oo toddobaadyadii ka horreeyay doorashada ay qabsadeen waddooyinka Antananarivo bannaanbaxyo ay soo qabanqaabiyeen mucaaradka kuwaas oo loogu baaqayay dadweynaha in aysan codeynin iyaga oo madadweynaha ku eedeeyay inuusan qaban doonin doorasho xalaal ah.





